Maxaabista uxiran dembiyada kufsiga oo u badan ajaanib

Kuva: Lehtikuva

Xabsiyada dalka Finland waxaa kujira ilaa 100 maxaabiis oo lagu xukumay dembiyo kufsi ah ama faraxumeyn ey ugeysteen haween finlandeys ah. Tiradaan ayaa 25 kamid ah waxay yihiin dad ajinabi, taasoo udhiganta 100/34 prosentti in ey ajaanib yihiin dadka geysta dembiyada kufsiga.

Cilmibaaris uu sameeyay wargeyska A-studio ayaa sheegtay in ajaanibta lagu xukumay dembiyadan ey u badan yihiin kuwa ka yimid dalalka dagaalada ka socdaan. Waxaana hada socda cilmi baaris kale oo ku saabsan dadka dembiyada sameeya iyo dhibaatooyinka ey kala soo kulmeen dalkoodii hooyo sidey isu saameeyaan.

Tirada badan ee ajaanibta geysata falalka kufsiga ayaa walaac ku abuurtay hayadaha ku shaqo leh arrimaha dadka soo galootiga, waxey kaloo cadeysanaysaa in eysan wali ajaanibta ku guuleysan isdhexgelka iyo barashada dhaqanka finlandeyska.

Arimahaan oo kale ayaa waxey kiciyaan xasaasiyad iyo in ey badato cunsuriyada lagula kaco ajaanibta. Waxaana loo baahan yahay in laga hadlo oo xal loo raadsho, hadii laga aamuso waxey abuuraysaa in shakiga ajaanibta laga qabo uu sii kordho.

Waxaa kale oo xusid mudan in dalka Finland ey kunool yihiin ilaa 200 000 oo qof oo asalkooda ajaanib yahay, kuwaasoo ubadan kuwa sharciga dalka dhowra oo an dembiya badan sameyn , iyagoo taas kala mid ah shacab weynaha finlandeyska intiisa kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *